Home Wararka Caalamka Dowlada Turkiga oo Diiday Codsi yaab leh oo kaga yimid Israel

Dowlada Turkiga oo Diiday Codsi yaab leh oo kaga yimid Israel

0

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkigu diiday codsi ay Israa’iil kaga dalbatey in loo soo gacan galiyo Hogaamiyeyaasha Xamaas ee ku nool Turkiga.

Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in dalabka yuhuuda uu yahay mid ay la yaabtay dowladiisa oo aan sinaba loo aqbali karin.

“Waan diidnay codsigii Israa’iil ee ahaa in loo gacan galiyo Hogaamiyeyaasha Xamaas ee ku nool Turkiga, wax la aqbali karana maaha” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga ayaa sheegay in Turkigu aanu Xamaas u aqoonsaneyn Urur Argagaxiso, isagoo intaas ku daray in Xamaas ay u arkaan urur u halgamaya xoreynta dhulka reer Falastiin.

Turkiga oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay dalalka islaamka ee sida weyn u taageera shacabka dulman ee reer Falastiin ayaa soo celiyey xiriirkii diblomaasi ee Israel oo sanado ka hor uu jaray xad gudubyada Israel ku heyso faklastiin awgood.

Ad
Previous articleFeysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Tallaabada Xigta Ay Qaadi Doonaan Mucaaradku
Next articleTirada Dadka Adduunka ku nool oo Maanta Gaartay 8 Bilyan Oo Qof!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here