Home Wararka Somaliya Puntland Dowlada Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya Puntaland

Dowlada Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya Puntaland

0

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda dhexe iyo Puntland, kaaso oo kasii daray, kadib heshiiskii dhowaan laga gaaray doorashooyinka ee kasoo baxay shirkii ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan jirin meel fog, isla-markaana ay qayb ka tahay maamulka dowladda federaalka Soomaaliya.

“Puntland waxay ka tirsan tahay dowladda federaalka mana foga, doorashooyinka ay qabteen ayaana lagu heshiiyay” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jiri karin sabab ay Puntland ku diido doorasho qof iyo cod ah, maadaama ay iyagu haatan qabsadeen.

“Ma u maleynaayo inay caqli tahay aniga doorasho ayaan qabsanaa, inta kalena doorasho uma ogoli, uma maleynayo inuu qofn ku talinayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in doorashada lagu heshiiyay ay tahay middii uu Saciid Deni ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kadib markii guul ka sheegtay doorashadii Puntland.

“Madaxweynaha Puntland marka ay doorashada u dhammaatay wuu hadlay wuxuu yiri dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa inay doorashadaan oo kale ay qabtaan intiibaa la gaaray” ayuu mar kale yiri wasiir Fiqi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada ay Puntland ay iska diiday go’aanaddii kasoo baxay shirkii u dambeeyay Golaha Wadatashiga oo go’aan looga gaaray doorashooyinka dalka.

Si kastaba, khilaafka u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa oo soo billowday, kadib magacaabidii ra’iisul wasaare Xamza.
Ad
Previous articleLaftagareen oo Shaaciyay Arin layaab Ku noqotay Dad Badan
Next articleGobolka Gedo oo Wajaha Todobaadkii labaad Cunuqabatayn ay kusoo Rogeen Dowlada Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here