Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Laftagareen oo Shaaciyay Arin layaab Ku noqotay Dad Badan

Laftagareen oo Shaaciyay Arin layaab Ku noqotay Dad Badan

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo lama filaan ku noqday dad badan oo Soomaaliyeed.

Laftagareen oo ka hadlayay doorashadii ugu dambeysay ee dalka ka dhacday sanadkii 2022-kii ayaa ka sheekeeyay arrimo cajiib ah oo isagu xilligaas uu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu diiday in la aado doorasho qof iyo cod ah, balse uu doortay mid dadbadan, isaga oo uu tilmaamay inuu ka lahaa dan gaar ah.

Sidoo kale waxa uu xusay inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u noqday kaliya inuu soo saarto xildhibaano iyo kuwa kalena uu reebo, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga waxaan u noqday madaxweynaha Koonfur Galbeed waxa ay ahayd in aan xildhibaano soo saaro qofna aan iraahdo waxba ma lihidee iska bax, qofna aan dhaho waxbaa leedahay intaas ayaan rabaa haddii aanan sameyn karin oo wixiiba shacab ay qabsanaayaan maxaan madaxweyne kasoo doonay”” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta Gareen

Waxaa kale oo uu ku sii daray “Ilaahey qadartiisa sida an sheegaayay ayay kusoo dhammaatay xildhibaanadii in la qoro ayay noqotay tii aan rabay oo aheyd adiga wax ma lihid adigane waxbaa leedahay waa la suubiyay, kii wax helay waa xanaaqsan yahay kii kale oo wax waayayna waa xanaaqsan yahay meel qabow iyo meel fiyow midna malaha”.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa haatan si weyn uga qoomameeyay falkaasi, isaga oo sheegay inuu ka dhexlay takano siyaasadeed, maadaama uu rag badan ka reebay baarlamaanka.

‘Waan soo tijaabinay eed iyo takane waxaan aheyn oo laga qaadaayo ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo hadal qaaday heshiiska cusub ee haatan laga gaaray doorashada ayaa bogaadiyay, wuxuuna sheegay in shacabka la siiyay fursad weyn.

“Waxaa laga hadlay dowladnimada iyo dimuquraadiyeynta in shacabka Soomaaliyeed loo celiyo, labada heer ee dowladdana ay sidaas ku shaqeeyaan,” ayuu kusoo gabagabeeyay.
Ad
Previous articleShirweynaha Xakameynta faafinta wararka been abuurka oo Muqdisho ka socda
Next articleDowlada Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya Puntaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here