Home Wararka Somaliya Jubbaland Gobolka Gedo oo Wajaha Todobaadkii labaad Cunuqabatayn ay kusoo Rogeen Dowlada Xasan...

Gobolka Gedo oo Wajaha Todobaadkii labaad Cunuqabatayn ay kusoo Rogeen Dowlada Xasan Shiikh

0

Gobalka Gedo ayaa wajahaya Cunaqabateyn ay kusoo rogtay dawladda Federaalka Soomaaliya, Todobaadkii 2-aad oo aysan wax diyaarad ah aadi karin, kana imaan karin ayay gashay.

Madaxweynaha & Ra’iisulwasaraha Xukuumadda ayaa ku qasbaya Gedo in ay 2 jid kala doortaan.

1- In ay ogolaadaan Jubbaland-ta Madaxweyne Axmed Madoobe hogaamiyo, maamul ay dhisto oo kashaqo bilaaba gobalka, oo aan dood ka furneyn.

2- Iyo In ay go’odoon ahaadaan, oo ay ka xirmaan dhammaan duulimaadyada uga imaanayay Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka.

Laakiin maamulka gobalkaas jooga ayaa dhankooda diiday amaradan kayimi Muqdisho, waxayna sheegeen in aysan ogoleyn Jubbalandta Kismaayo.

2019-kii, Haddii Kismaayo ay dhadhamisay cunaqabateyntan, laakiin Madaxweyne Xassan iyo kooxdiisa diidanayeen, hadda markale Gedo ayay saareen, si u muuqata aargoosi.

Qaar kamid ah Xujayda sannadkan ee gobalka Gedo, qaar oo waayeel ah safri lahaana ayaa baabuur uga soo baxay gobalkaas, ay kusoo gaarayaan Muqdisho, si’i aysan uga baaqan Xajka.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya Puntaland
Next articleRaysulwasaare Netanyahu oo argagixiso ku tilmaamay askarigii Masaariga ahaa ee dilay askarta Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here