Home Wararka Maanta Burcad dhac ka waday xaafad ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay...

Burcad dhac ka waday xaafad ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

0

Ciidanka booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag burcad ah oo dhac ka geysanayay meelo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Taliska Boliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in raggaas oo gaaraya ilaa Saddex nin ay Mobile ka dhaceen Haweeney, balse Ciidamada oo ka warhelay ay ku baxeen, isla markaana gacanta kusoo dhigeen.

“Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan qeybta Waliyow cadde ayaa ayagoo ku guda jira shaqooyinkooda amni xaqiijinta ah waxay soo qabteen sadax eedeysane oo dhac tooreey ka geysanayay agagaarka isgoyska Black Sea ee degmada hodan. eedeysaneyaasha ayaa lagu soo qabtay mobile ay ka dhaceen muwaadin dumar ah iyo tooreeydii ay wax ku qaadanayeen, waxaana la marin doonaa hab-raaca sharci ee dalka u degsan hadduu alle idmo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale, Booliska ayaa ka dalbaday shacabka hadii ay arkaan fal amniga liddi ku ah iney la wadaagaan saldhigga ugu dhow ama wacaan lambarka gaaban ee 991.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay inay Buuxiyeen Xarumihii Laga Saaray Ciidanka ATMIS
Next articleWasiirka Maalyada Soomaaliya oo Ka Laabtay Go,aan uu Shalay Qaatay kadib Caadis uu kala Kulmay villa Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here