Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo lagu Deeqay 10 million oo Doolar

Dowlada Soomaaliya oo lagu Deeqay 10 million oo Doolar

0
Dowladda UK ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ka badan10 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed abaaraha ku saameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka.
 
Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford ayaa maanta ku dhawaaqday in 10.7 milyan oo dollar ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed, lacagtan ayaa qeyb ka ah 22 milyan oo dollar oo dowladda UK ugu deeqday dalalka; Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Suudaanta Koofureed oo abaaro ba’an ka jiraan xilligan.
 
War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 500,000 oo qof oo Soomaali ah u baahan yihiin in laga caawiyo helitaanka biyaha iyo cuntada si naftooda loo badbaadiyo isla markaana loo yareeyo khatarta macluusha ka dhalan karta abaarta.
 
Go’aankan doweladda UK ayaa yimid xilli wasiirka Afrika ay safar ku marayso dalka Kenya safarkaas oo qeyb ka ah socdaal ay ku marayso sadex dal oo ku yaala Afrikada bari.
 
Lacagtan ayay dowladda UK ku sheegtay in qoysaska abaaraha saameeyeen la siin doono si ay ugu iibsadaan cuntada iyo waxyaabaha kale oo ay u baahan yihiin.
Ad
Previous articleSawiro: Dhaawaca Macalimuu Oo Dalka Dibadiisa Loo Qaaday iyo Rooble oo Balan Qaad usameeyey
Next articleOdayaasha iyo Ergada Soo Xulaysa 5 kursi oo mid noqon Doono Golaha Shacabka oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here