Home Wararka Maanta Sawiro: Dhaawaca Macalimuu Oo Dalka Dibadiisa Loo Qaaday iyo Rooble oo Balan...

Sawiro: Dhaawaca Macalimuu Oo Dalka Dibadiisa Loo Qaaday iyo Rooble oo Balan Qaad usameeyey

0

Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dhaawaciisa loo qaaday dalka dibaddiisa, waxaana ku sagootiyey Garoonka Aaden Cadde xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mas’uuliyiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo saxafiyiin Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay dadaal ku bixin doonto baxnaaninta dhaawaca Afhayeenka oo shalay qof naftii hallige ah la beegsaday Qarax.

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ka warbixiyey dhaawaca Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladdiisu ay soo hagaagayso, haatana loo qaadayo dalka Turkiga si halkaas loogu sameeyo daaweyn dheeraad ah.

Ad
Previous articleShaybaarka Xoolaha oo Maanta Laga dhagaxdhigay Galmudug (Sawiro)
Next articleDowlada Soomaaliya oo lagu Deeqay 10 million oo Doolar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here