Baraha bulshada ee kala ah TikTok iyo Telegram ayaa la sheegay inay si caadi ah uga shaqaynayaan guud ahaan Soomaaliya iyadoo xalay la filayay inuu dhaqan galo go’aankii dowladda ee lagu joojinayay barahan kaas oo ay falcelino kala duwan ka dhasheen.
Wasiiirka isgaarsiinta Soomaaliya Oo Xalay Lahadlay Universal TV ayaa Sheegay in laxiri Doonaa Xalay Abaaro 11:40 Taas oo Dhaqan Galiwaysay.
Wali Dowlada Soomaaliya kama Hadal Sababta Balse Warar Madaxbanaan ayaa Sheegaaya in Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya Diideen in laxiro aaladahaan madaama lacag Farabmbadan kasoo Gasho.
Dowlada ayaana Horay ugu Hanjabtay inay Talaabo ka Qaadi Doonto Shirkadii Diida amarkaan. Dhanka kale Wasiirada Soomaaliya ayaa Shalay Diiday in la Tageero Go.aanka Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya ee lagu Xiri lahaa aaladahaan.