Home Wararka Maanta Ku Dhawaad 30 kamid ah Alshabaab oo Goordhow Duqayn lagu Dilay

Ku Dhawaad 30 kamid ah Alshabaab oo Goordhow Duqayn lagu Dilay

0

27 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay ‘hawlgal qorsheysan’ oo ka dhacay Beerta Sheekhow oo 16 KM u jirta degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay werisay wakaaladda wararka ee dowladda Federaalka ee SONNA.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo garab ka helaya saaxiibo caalami ah, ayaa burburiyay goobihii ay ku sugnaayeen argagixisada, waxaana taasi ay keentay in 27 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo isku uruursanayay beertaasi laga saaray.” ayaa lagu yiri qoraal kusoo baxay barta X ee walaaladda SONNA.

Faah-faahin intaas dheer dowladdu kama bixin howlgalkan, iyada oo VOA aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashada dowladda ee dilka maleeshiyada Al-Shabaab.

Dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya dhinaca hawada weli si rasmi ah uma aysan xaqiijin haddii ay ka qeybgaleen howlgalkan.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ku Fashilantay inay Xirto Aalada TikTok Xili la Gaaray Waqtigii loo Qabtay
Next articleLafatagareen oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Shir Culus oo Halkaas ka Furmaaya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here