Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale si adag uga hadashay xiriirka gaarka ah ee ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey qaaday tallaabooyin ay ku hormarinayaan xiriirka labad dhinac.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kulane oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac iyo xiriirkooda ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay cambaareyneyo sida ay Taiwan ula dhaqmeyso Somaliland & wada-hadallada u billaabmay.
Cawaale ayaa shaaca ka qaaday inay mar weliba ay u taagan yihiin ilaalinta madax banaanida qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Ad