Home Wararka Maanta Aqriso: Ilaa Hada Tirada Xildhibaanada la Doortay iyo Maamulkasta inta Ku Dhiman

Aqriso: Ilaa Hada Tirada Xildhibaanada la Doortay iyo Maamulkasta inta Ku Dhiman

0

Doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka kooban 275-Xildhibaan ayaa hada maraya heer gebogebo ah, waxaana hada doortay 67% Xildhibaanada gollaha shacabka.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa soo saaray xog ku aadan tirada Xildhibaanada gollaha shacabka ee ilaa hada la doortay iyo inta harsan, waxa ay sidoo kale guddiga shaaciyeen sida maamulada ugu kala horeeyaan doorashada.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada waxaa ilaa hada la doortay 185-Xildhibaan oo 45 kamid ah yihiin dumar, waxaana harsan 90-kursi oo iyana la filayo in maalmaha soo socda lasoo gabagabeeyo doorashadooda.

Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo gollaha shacabka ku leh 46 kursi ayaa soo gabagabeeyay doorashada, waxaa sidoo kale soo gabagabeeyay doorashada beelaha Banaadiriga oo iyana kuraasta gollaha shacabka ku leh ilaa 5-kursi.

Maamulada wali ku harsan yihiin doorashada waxaa ugu horeeya  Puntland oo ay ku harsan yihiin 22-kursi halka Jubbaland oo kusoo xiga u harsan yihiin 20-kursi, maamulka Galmudug ayaana kuraasta ugu yar u harsan yihiin ,  waxaana u dhiman kaliya 11-kursi.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hortimid Heshiis ay Dhawaan Galeen Soomaaliland iyo Taywaan
Next articleDeni oo maantay Shir la leh Agasimiihii PSF ee Bosaaso kla Dagaalamay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here