Home Wararka Maanta Diyaar Garow Culus oo Kasocda Soodinta Galmudug iyo Hirshabeele iyo Sarakiil Maantay...

Diyaar Garow Culus oo Kasocda Soodinta Galmudug iyo Hirshabeele iyo Sarakiil Maantay Gaaray(Sawiro)

0

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen, Dayax Cabdi Cabdulle oo gaaray Magaalada Mesagawey ee Gobalka Galgaduud ayaa halkaas kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 86aad ee Guutada 77 XDS.

Taliye Dayax ayaa ciidamada iyo saraakiisha Hogaaminaya ku amaanay sida quruxda badan oo ay uga adkaadeen cadawga argagixisada ah, tabaha dagaalka oo ay la yimideen iyo sida ay shacabka u garab istaageen.

Waxuu taliyaha ciidanka dhulka ee XDS Gen, Dayax uu faray saraakiisha ciidanka hogaaminaya inay u diyaar garoobaan baacsiga Cadawga Argagixisada ah oo dhawaan uu sheegay in laga xureyn doono deegaano iyo Degmooyin muhiim ah.

Ad
Previous articleDowlada Oo Amartay In 10 Cisho Meydadka Looga Saaro Qabuuuro Ku Yaal Muqdisho
Next articleDowlada Soomaaliya oo Dadkii Maantay Doonaayay inay Dadkooda Qaburaha Kala baxaan ku Xirtay Shuruud Dad Badan Ka naxeen