Home Wararka Maanta Dowlada Soomaali oo Digiin adag oo ku Wajahan Ganacsatada Soomaaliyeed Soo saaraty

Dowlada Soomaali oo Digiin adag oo ku Wajahan Ganacsatada Soomaaliyeed Soo saaraty

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ganacsidihii AS taageero ama siiyo lacag ay dowladda Soomaaliya la wareegi doonto hantidiisa sidoo kalane loola dagaalami doono sida AS.

Wasiir Jabriil ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Maraakiib AS la shaqeysa oo u sheega hantida ay wadaan iyo cadadka hantidaas ka hor inta aysan Soomaaliya soo gaarin, waxa uuna dalbaday in Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda uu arrintaas wax ka qabto.

Wasiirku ma sheegin magacyada shirkadaha iskaleh Maraakiibtaas, waxaa kale oo uu sheegay in ay jiraan Nootaayooyin AS la wadaaga xogta dadka ay wax ukala wareejiyaan.

Wasiir Jabriil Cabdirashiid waxa uu diiday in saxaafadda su’aalo ka weydiiso ammarka dowladda maadaama ay jiraan qatarro badan oo naf iyo maalba leh oo arrintaan ka dhalan karta.

Ad
Previous articleBeesha Mursade oo Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal Ka Dajiyay Baladweyne(Sawiro)
Next articleSomalia oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha Afrika South sudan kaba La Dulmartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here