Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xoogga saareyso sugidda amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo loo dhan yahay, xilli ay dalka ka socdaan isbeddello siyaasadeed iyo dhaqaale oo ballaaran.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Maalinta Yurub (Europe Day) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah ay siiyaan Soomaaliya.
Wuxuu si gaar ah u xusay kaalinta Midowga Yurub ee dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, amniga, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar muuqda, iyadoo la hirgelinayo dib-u-habeynno lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, lagu kobcinayo dhaqaalaha, lagu ballaarinayo adeegyada bulshada, isla markaana lagu dardargelinayo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, taas oo qayb ka ah dadaallada looga gudbayo nidaamka doorashooyinka dadban ee ku saleysan hab-beeleedka, kaas oo muddo dheer saameyn ku lahaa siyaasadda dalka.
Wuxuu sidoo kale xusay in dowladda ay weli ka go’an tahay wadatashi iyo dhisidda is-afgarad siyaasadeed, si loo xoojiyo amniga qaranka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
“Dalku wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah oo dhismaha dowladnimada ah, waxaana lagama maarmaan ah wadatashi, iskaashi wax ku ool ah, xalal waara iyo midnimo qaran,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si firfircoon uga qeyb qaataan wada-tashiyada qaran ee ay dowladda billowday, si loo helo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Bilihii u dambeeyay, hoggaanka dowladda federaalka ayaa dardar geliyay qorshaha ku aaddan hirgelinta doorashooyinka tooska ah, arrintaas oo dhalisay dood xooggan oo u dhexeysa saamileyda siyaasadda dalka, gaar ahaan marka la eego waqtiga ku habboon iyo qaabka loo wajahayo kala-guurka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.



