Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

0

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u daahfuray qalabka diiwaan gelinta codbixiyaha oo ah qalab casri ah oo lagu qabanaayo doorashada dadwaynaha

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin wayn uu Dalka u jihaystay doorasho dadwayne.

“Waxaan ku guulaysanay inaan diyaarino dhammaan agabkii aan ku qaban lahayn doorashada golaha deegaanka oo dhacaysa 30-Jun-2025” ayuu yiri Gudoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha Cabdikariim Axmed  Xasan.

Cabdikariim ayaa sidoo kale sheegay in 30-ka June Dalka ay ka dhici doonta doorashada golaha deegaanka.

“Muddo konton sano ah kadib Shacabka Soomaaliyeed ayaa nasiib u yeelan doona in ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo ah xuquuq dastuuri ah oo ay xaq u leeyihiin shacab-waynaha Soomaaliyeed” ayuu yiri gudoomiyaha.

DF ayaa ku adkeysaneysa iney dalka ka qabaneyso doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah taasoo si weyn la iskugu khilaafsan yahay iyadoo dad badan ay talaabadaas ku tilmaameen mid qayaali ah marka la eego xaalada adag ee dalku ku sugan yahay in waqtiga kooban ee u haray madaxda dalka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo
Next articleDowlada Somaliya oo ka hadashey isku day dil uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan Shiikh