Home Wararka Maanta Dowlada Somaliya oo kala hadashey Qaramada Midoobe Abaaraha ka jira Dalka

Dowlada Somaliya oo kala hadashey Qaramada Midoobe Abaaraha ka jira Dalka

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkaacayo ku xigeenka Ergeyga QM ee Soomaaliya George Conway.

Kulanka ayaa ahaa mid looga arrinsaday xaalada abaaraha ee laga soo sheegayo qeybo ka mid ah gobolada dalka iyo qorshaha ku aadan sidii looga jawaab celin lahaa baahiyaha banii’aadannimo ee 2025 iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha gargaarka iyo SoDMA.

Dhinacyada ayaa sidoo kape kulanka iskula meel dhigay in la qabto shir guud oo looga hadlayo dhaqaalo aruurin la xariirta, sidii jawaab deg deg ah looga bixin lahaa baahiyaha dadka u nugul dhibaatada.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Wakiiladda ka socday Qaramada Midoobay ku booriyay iney xoojiyaan dadaalada kaalmeynta danyarta iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha gargaarka.

Ugu dambeyntii kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dalka uu galay marxalad abaar, kadib markii uu baaqday xili roobaadkii Deyrta ee la filayay bilihii September, October iyo November ee sanadkii tagay 2024, islamarkaana loo baahan yahay gurmad iyo dadaal aan kala har lahayn.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleGalmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka bilaabay Dadaalo Nabadeed oo ku aadan Colaada Gobolka Mudug
Next articleXaaska Fanaanka Dayax Dalnuurshe oo ku Geeriyootay Magaalada Muqdisho