Home Wararka Maanta Dowlada Somalia oo Diyaarado gargaar Sida au dirtay Magaalada Laascaanod (Sawirro)

Dowlada Somalia oo Diyaarado gargaar Sida au dirtay Magaalada Laascaanod (Sawirro)

0

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta diyaarad wada shixnad Gargaar daawo ah u dirtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay ka socdaan dagaalo.

Diyaaradaan oo Garoowe ka dagtay ayaa magaaladaas waxaa looga qaadayaa gawaari si ay u gaarsiiyaan isbitaalada Laascaanood oo dhaawacyo badan ay jiifaan.

Shixnadaan daawada ah ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee daawada waxaana loogu talagalay dadka rayidka ah ee colaada Laascaanood qasaaraha ka soo gaaray.

Agaasimaha guud  ee Arrimaha Bini’aadantinimo Hay’adda Maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Abdirashiid Maxamuud Hassan, Madax Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Hey’adda SoDMA Dr. Cabdullahi  Muuse Axmed iyo Masuuliyiin kale oo katirsan SoDMA ayaa diyaaradaan ka sagootiyey garoonka Aadan cade.

Ad
Previous articleQaar ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)
Next articleSafiirka Soomaaliya U Fadhiya Dalka Sacuudiga Oo Sabab Yaab leh isku Casilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here