Home Wararka Maanta Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka ogtahay Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu shaaca ka qaaday in wadamo badan ay heshiis amni ay kula jiraan ayna Dowladda Imaaratka qeyb ay ka tahay.

Shaqooyinka ay dowladahaasi nala qabtaan dhamaantood heshiisyo ayaan kula jirnaa, heshiisyadaasna waxaa ku cad qolo walba waxa ay qabaneyso iyo in aan xogta aan hayno la wadaagno, gaar ahaan meesha aan u maleyneyno in nimankaas ku jiraan” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo intaas ku daray in markii la xaqiijiyo xogtaas, sarkaal Soomalaiyeed uu saxiixo ” Duqeymo dalkan iska dhacaahi ma jiraan”.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in duqeeymaha dalka ka dhacay 99% dad rayid ah aanay waxba gaarin sababtan waxa uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan ku gaartay in meel loo maleynayo in qof shacab ah joogo aan la duqeyn, isagoo sheegay in wacyi gelin ay ka sameeyaan deegaanada ay duqeymuhu ka dhacaan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowr jeer waxa ay duqeymo dhanka cirka ah ka geysatay Buuraha Calmiskad ee Puntland, halkaas oo ay duqeynta lala beegsaday dagaallamayaasha Daacish ee buurahaasi kula dagaallamaya ciidamada Puntland, Dhowr jeer oo horeyna waxa ay Puntland sheegtay in ay Imaaraadka iska kaashadeen duqeymo cirka ah.

Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeedba ay kula mideeysan yihiin doorka dagaal ay Puntland kula dagaalameyso Kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Dagaalka Khartuum oo Xoogeestay iyo Ciidanka RSF oo la go’doomiyay

Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Howlgalo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay

Hay’adda NISA oo rag ka tirsan Al-shabaab kusoo qabtay Howlgallo ay ka sameeyeen Dayniile iyo Dharkeenlay

War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad
Previous articleWeerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib
Next articleBarlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah