Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada oo Dib u Howlgalisay Ceelashii Degmada Aadan yabaal(Sawiro)

Dowlada oo Dib u Howlgalisay Ceelashii Degmada Aadan yabaal(Sawiro)

0

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa dib u howlgelisay labadii ceel biyood ee isha u ahaa Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa ceelashan ka furay bamkii biyaha dibadda u soo saarayay, ka hor intii aysan isaga bixin degmadaasi, ciidamaduna aanay la wareegin 6-dii bishan.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa Jimcihii kormeeray ceelashan, ka dib markii la dayactiray.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Aadan Yabaal ka sheegay in Shabaabku ay dadka shacabka ahi kala dagaalameen dhan kasta oo nolosha ah.

“Waxaan soo marnay deegaano badan ama Hiiraan ha ahaadaan ama Shabellaha Dhexe, lama arag meel iskuul ku yaalo, ma aragteen meel iskuul ku yaalo oo arday buugaag wadato ay joogto, meel dugsi Quraan loo socdo ma aragteen, meel caafimaad ma aragteen haba yaraatee? Intaas waa loo diiday. Caafimaadkiiyaa dadka loo diiday, waxbarashadiiyaa loo diiday, xitaa Quraankii ayaa loo diiday inay dhigtaan, war ma diinaa waxaasu in la yiraahdo canugan Quraan dhigan mayo? Waa in qarax lagu xiraa ama uu dagaalka galaa ayay yiraahdeen, hadduu canuga 12 sano gaaro. Runtii wax laga xumaado waaye.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray “Dadkan nolosha ayay u diideen, deegaanadan ay jooggeena mugdi bay ka dhigeen, haddii Ilaahay raali ka noqdo, wixii hadda ka dambeeyo iftiinaa ka bixi doono.”

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Riyaad kula kulmay Madaxweyne Uu Maraykanku Necebyhay (Sawirro)
Next articleGanacsade Maxamed Cali Mursal oo lagu Afduubtay Wadanka Koonfur Africa iyo Booliska oo Wali Baadigoobaaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here