Home Wararka Caalamka Dowlada Kenya oo Xusaysa Weerar Alshabaab Nairobi ka Gaysteen Xili Ciidamada Keenya...

Dowlada Kenya oo Xusaysa Weerar Alshabaab Nairobi ka Gaysteen Xili Ciidamada Keenya Heegan lagaliyay

0

Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, si ay uga hortagaan weeraro kale oo Al Shabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi, xili Kenya laga xusayo sanad guuradii sadexaad ee kasoo wareegtay weerarkii DusitD2 ee ka dhacay Nairobi.

Afhayeenka ciidamada Booliiska dalka Kenya Bruno Shioso, ayaa sheegay in feejignaan sare la geliyay ciidamada amaanka dalka Kenya si ay uga hortagaan weeraro Al Shabaab ka geestaan gudaha Kenya gaar ahaan Nairobi.

Magaalada Nairobi ayaa maanta laga xusayaa sadex sanno guuradii kasoo wareegtay wareerkii qaraxa ku bilowday ee Al Shabaab ku qaadeen dhismayaasha DusitD2 oo kuyaala Nairobi 15-kii Janaayo 2019-kii, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad badan .

Weerarkii Al Shabaab maanta oo kale ka geesteen magaalada Nairobi sanadkiii 2019-kii ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 20-qof halka ay ku dhaawacmeen dad intaasi ka badan, waxaana dadka ku dhintay weerarka ku jiray muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleBanaanbax Ka Dhan ah Mahdi Gulleed oo laga Abaabulaayo Magaalada Muqdisho
Next articleMadaxweyne Deni oo Kulamo Xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaashi Hore ee Puntland Xili Xaalka Bosaaso Ku Xunyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here