Home Wararka Maanta Dowlada Kenya oo Sheegtay inaysan Soomaaliland Aqoonsanayn

Dowlada Kenya oo Sheegtay inaysan Soomaaliland Aqoonsanayn

0

Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hadal heynta ku saabsan aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya u soo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

“Kenya waxay Somaliland ula dhaqmeysaa sidii iney qeyb ka tahay federaalka Somalia, ilaa hadda ma jiro codsi nooga yimid Somaliland oo la xiriira inaan u aqoonsano dal madax banaan” ayey tiri wasiirka

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland

Ad
Previous articleAskari Dhawaan ka Hor yimid Boobka Kuraasta Deni oo lagu Dilay Garowe
Next articleDoorasho lasii Ogyahay Cida kusoo abaxaysay oo Maantay ka Dhacaysa Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here