Home Wararka Maanta Dowlada Itoobiya oo Ka jaawabtay Hadalkii Dowlada Soomaaliya ee ahaa in Ciidamadeeda...

Dowlada Itoobiya oo Ka jaawabtay Hadalkii Dowlada Soomaaliya ee ahaa in Ciidamadeeda Dalka Soomaaliya ka baxaan

0

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay go’aanka dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan shaaciyay Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nabiu Tedla oo soo jawaabay ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan wargelin ka helin Soomaaliya oo ku aadan inay la baxaan ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrka ee lagu magacaabo ATMIS.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan waxba ka ogeyn arrintan, gaar ahaan hadalka kasoo yeeray la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in uusan jirin xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah oo kasoo gaaray dhanka Soomaaliya oo ku aaddan arintaan, amaba lala soo wadaagay.

Nabiu Tedla ayaa xusay inay sii wadayaan howlgalada amni ilaalinta ee ay ka hayaan Soomaaliya, isaga oo ku dooday in weli uu yahay qorshaha bixista, maadaama aan la helin ciidamadii bedeli lahaa ATMIS.

Hadalkan kasoo baxay Itoobiya ayaa imaanaya, ayada oo dhowaan la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya uu shaaca ka qaaday in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu horay u yiri Xuseen Macalin. 

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa haatan ka dhexeysa xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiska badda ee uu bilowgii sanadkan Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland, kaas oo ay carooray dowladda federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Goordhow Degmo Muhiim ah kala Wareegay Alshabaab
Next articleDagaal Alshabaab looga Saraayo Jubaland oo Mantay Si Rasmi ah U bilowday inu Magalooyin Durbadiiba Alshabaab laga Qabsaday