Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Goordhow Degmo Muhiim ah kala Wareegay Alshabaab

Ciidamada Dowlada oo Goordhow Degmo Muhiim ah kala Wareegay Alshabaab

0

Ciidamada Dowlada ayaa Saakay Dhowr Jiho ka Weeraray Alshabaab oo Ku sugnaa Degmada Ruunirgood oo Kala Qaybisa Gobolada Galagaduud iyo Shabeelada Dhexe Ciidamadaan ayaa Waxaa kor ka Taageeraayay Diyaaradaha Dagaalka.

Ciidama aad uu farabadan oo wata Gadiid Dagaal iyo Hub Culus ayaa Goordhow Gudaha Ugalay Degmadaan Alshabaab Laga Saari wayay Mudo Badan Majirin Wax Dagaal ah oo Ka horyimid Ciidamada Dowlada Alshabaab ayaana Isaga Baxay Markii ay ka war heleen in Ciidamo Farbadan kusoo Wajahanyihiin.

Degamada Ruunirgood ayaa Alshabaab Dhowr jeer laga saaray Base Ciidamada Dowlada ayaa Dib uga soo Baxay Madaama ay ku taalo meel Kala Qaybisa Gobolada Galgaduud iyo Shabeelada Dhexe.

Qabashada Magalaada ayaa kusoo aadaysa Xili Alshabaab ay Maalmo ka hor Weerareen Degmada Ceeldheere Halkaasna ay ku Dileen Saraakiil Sar sare oo Katirsana Ciidamada Dowlada iyo Kuwa macawislayda.

lama oga in Ciidamada Dowladu ku sugnaan Doonaan Degmada Ruunirdood iyo inay Dib uga soo bixi doonaan Sidii Horay Looga Bartay Majirto Dad Shacab ah oo kusugan Magaladaan oo Haray ayay Alshabab uga Barakiciyeen Dadkii daganaa.

Ad
Previous articleBenny Gantz oo ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda dagaalka ee ra’iisal wasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu oo iscasilay iyo xaalka Natayaahuu oo sii Xumaaday
Next articleDowlada Itoobiya oo Ka jaawabtay Hadalkii Dowlada Soomaaliya ee ahaa in Ciidamadeeda Dalka Soomaaliya ka baxaan