Home Wararka Maanta Dowlada Imaaraadka oo Markale Gargaar Ka Soo Dajisay Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Dowlada Imaaraadka oo Markale Gargaar Ka Soo Dajisay Magaalada Muqdisho(Sawiro)

0

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degay diyaarado waday deeq raashin ah oo ka timid dowlada Imaaraadka Carabta, kuwaa oo loogu tala galay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameesay.

Wasiirka Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta deeqdan raashinka ah ee ka timid dowlada Imaaraadka ku guddoontay gudaha garoonka Aadan Cadde.

Deeqdan raashinka ah oo dowlada Imaaraadka Carabta ugu deeqday Soomaaliya ayaa loogu tala galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee saameynta xoogan xilligan ku yeealatay abaarta ka jirta qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya .

Imaaraadka Carabta oo dib usoo celiyay xiriirkii kala dhaxeeyya Soomaaliya ayaa diyaarado siday deeq raashin ah usoo diray Soomaaliya, waxaana deeqahan imaanayaan xili Ra’isul Wasaare Rooble dalkaasi raali gelin siiyay kana codsaday mucaawino.

Ad
Previous articleCali Yare Cali oo Ceeb iyo Fashil uu ka Qabsaday Dowlada uu Qeybta ka ahaa
Next articleRajab Dayib Ordugan oo Sagaal Sano Kadib Maantay Gaaray Wadanka Isutaga Imaaradka Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here