Home Wararka Somaliya Puntland Doorasho kà Bilaabatay Magaalada Bosaaso iyo Rag Caan ah oo Kusoo Baxay(Sawiro)

Doorasho kà Bilaabatay Magaalada Bosaaso iyo Rag Caan ah oo Kusoo Baxay(Sawiro)

0

Magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:-HOP#227, HOP#273, HOP#157, HOP#234 iyo HOP#076.

Xubnaha soo baxay ayaa waxaa ku jira Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ah taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaas  oo ku guuleystay Kursiga HOP#273.

Sidoo kale xubnaha kale ee la doortay waxaa ka mid ah:

1-Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi oo ku guuleystay doorashada Kursiga HOP#227. 2-Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) oo ku guulaystay Kursiga HOP#157. 3-Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali oo ku guuleysatay Kursiga HOP#234. iyo 4-Muuse Axmed Ismaciil oo ku guuleystay Kursiga HOP#076.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana la guda-galay kuraasta kale ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto Boosaaso.

Kuraastan ayaa waxaa muddo ka taagnaa murano xoogan, waxaana boosaskoodii waayey wasiiro ka tirsan dowladda federaalka oo maalmahan ku sugnaa halkaasi.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Ukrain” Maxaa naga Rabtaa Putin Dhukeena Ka Tag ila Fariiso anoo 30 Mitir kuu jira”
Next articleGudigii loo Xil saaray Qiimaynta Garabahaareey oo War Cusub Soo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here