Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Doorashadii Kuraastii Baraawe oo Lasoo Gabagabeeyey iyo Xildhibaano Cusub oo halkaas kasoo...

Doorashadii Kuraastii Baraawe oo Lasoo Gabagabeeyey iyo Xildhibaano Cusub oo halkaas kasoo Baxay(yaa kamidah)

0

Waxaa maanta magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed lagu qabto lix kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed.

Kuraasta maanta lagu doortay magaalada Baraawe waxaa kusoo baxay xubno ku cusub siyaasada, waxaana inta badan meesha laga saaray xildhibaanadii horey ugu fadhiyay kuraasta maanta lagu doortay magaalada Baraawe.

Kursiga Koowaad ee Hop-250 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa waxaa ku guuleystay Cali Maxamed Sheekh oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo helay  80-cod halka musharaxii la tartamayey ee  Cabdalla Maxamed Shariif uu heley 17-cod.

Kursiga labaad ee  Hop-160 oo uu ku fadhiyay Nuur Siidow Baaba ayaa waxaa doorashadii dhacday ku guuleystay Maxamed Yuusuf Xasan oo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayeyee Cali Abuukar Maxamed uu heley 12-cod.

Kursiga Saddexaad ee Hop-173 oo uu ku fadhiyay Cusmaan Xaaji Cali ayaa waxaa ku guuleystay Cabdifataax Cabdulaahi Araye, isaga oo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabduwahaab Cali Axmed uu heley 16-cod.

Kursiga Afaraad ee Hop-080 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Maxamed Cumar Dalxa oo meesha laga saaray ayaa waxaa doorashadii la qabtay ku guuleystay Aweys Xuseen Macalin, kaas oo  helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey ee Maxamed Cusmaan Jibriil uu heley 20-cod.

Kursiga Shanaad ee Hop-155 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Jawaahir Cadaawe Cabdi oo kursigaan horay ugu fadhiday, iyada oo heshay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayay ee Mariya Maxamed ay heshay 14-cod

Kursiga lixaad ee Hop-150 oo uu ku fadhiyay Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooleey) ayaa waxaa ku guuleystay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure oo heley codad gaaraya 85-cod halka musharaxii la tartamayey Maxamed Ali Ibraahim uu heley 5-cod

Magaalada Baraawe  ayaa lasoo Gabagabeeyey dhamaann Kuraasti Taalay oo ahayd 13 kursi Shalay ayay ahyd Markii Todob Kursi halkaas lagu Soo Doortay.

Ad
Previous articleSadex Xildhibaan oo Ka Mid Noqonaaya Golaha Shacabka oo Maantay La Doortay(Sawiro)
Next articleGaroonka Diyaardaha Abha ee Sacuudi Carabiya oo La Duqeeyey iyo Qasaaro Ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here