Home Wararka Caalamka Garoonka Diyaardaha Abha ee Sacuudi Carabiya oo La Duqeeyey iyo Qasaaro Ka...

Garoonka Diyaardaha Abha ee Sacuudi Carabiya oo La Duqeeyey iyo Qasaaro Ka Dhashay

0

 

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee Drone ku weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro kala duwan.

War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in diyaarada Drone-ka ee lagu soo weeraray garoonka diyaaradaha Abha uu dhexda ka qabtay barnaamijkooda difaaca hawada, balse ay jiraan firarka diyaarada oo garoonka gaartay.

Inta la xaqiijiyay 12 qof ayaa ku dhaawacay firirka diyaarad Drone ah ee lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Abha,waxaana dadka dhaawacmay isugu jiraan qaar kamid ah shaqaalaha garoonka iyo dad kale oo safar ahaa oo meelo kala duwan ka kala yimid.

Shaqada garoonka diyaaradaha ayaa hakad galay saacado kadib markii weerarka bilowday, waxaana war kasoo baxay Sacuudiga lagu sheegay in shaqada garoonka si caadi ah kusoo laabatay ayna xaaladu hada tahay mid xasiloon.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ku xoogan ayaa marar badan weerar ku qaaday  garoonka diyaaradaha Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga gaar ahaan meel ku dhaw xadka Sacuudiga la wadaago Yemen.

Ciidamada Cirka Sacuudiga ayaa marar badan fashiliyay hawadana ka qabtay diyaarado iyo gantaalo lagu weeraray gudaha Sacuudiga, waxaana mararka qaar dhacda in diyaaradaha iyo gantaalaha ay baxsadaan ayna waxyeelo gaarsiiyaan dad shacab ah.

Ad
Previous articleDoorashadii Kuraastii Baraawe oo Lasoo Gabagabeeyey iyo Xildhibaano Cusub oo halkaas kasoo Baxay(yaa kamidah)
Next articleGudiga Doorashooyinka oo Dalbaday Kursiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu utartamaayo in Haween Laga dhigob

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here