Home Wararka Somaliya Somaliland Sadex Xildhibaan oo Ka Mid Noqonaaya Golaha Shacabka oo Maantay La Doortay(Sawiro)

Sadex Xildhibaan oo Ka Mid Noqonaaya Golaha Shacabka oo Maantay La Doortay(Sawiro)

0

Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka socota doorashada xildhibaanada gollaha shacabka gaar ahaan kuwa matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana la doortay saakay ilaa saddex Xildhibaan oo kamid noqonaya baarlamaanka 11-aad.

Doorashada saakay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid aan lagu tartamin oo la isku tanaasulay, waxaana saddexda xildhibaan ee la doortay oo horey kuraasta loogu xiray soo wateen musharaxiin malxiis ah.

Kursiga koobaad oo tirsigiisu yahay HOP#205 waxaa ku guuleestay Axmed Cabdi Kooshin oo loogu codeeyay qaab gacan taag ah kadib markii u tanaasushay musharaxii la tartameysay Muna Xuseen Faarax.

Waxaa sidoo kale kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP#263 saakay ku guuleestay Muuse Siciid Jaamac oo isna doorashada loo tanaasulay, waxaana ergada wax dooraneysay ugu codeeyeen qaab gacan taag ah.

Kursiga saddexaad ee tirsigiisu yahay HOP#240 waxaa isna ku guuleestay Cali Maxamuud Aadan, kadib markii tartanka doorashada ay ka tanaasushay musharaxii la tartameysay Rooda Maxamuud Axmed.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee gobolada Waqooyi ayaa inta badan ah kuwa aan lagu tartamin oo la isku tanaasulay, waxaana doorashada xildhibaanada gollaha shacabka sanadkan u muuqdaan kuwa aan lagu tartameyn oo dad gaar ah loo xiray.

Ad
Previous articleFaahfaahin Kasoo Baxaysa Cida lala Eegtay Qaraxi Ka Dhacay goordhwayd Magaalada Muqdisho
Next articleDoorashadii Kuraastii Baraawe oo Lasoo Gabagabeeyey iyo Xildhibaano Cusub oo halkaas kasoo Baxay(yaa kamidah)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here