Home Wararka Maanta Doorashada Somaliland oo Maanta Loo dareeray (Sawiro)

Doorashada Somaliland oo Maanta Loo dareeray (Sawiro)

0

Dadwaynaha ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa saaka si rasmi ah ugu dareeray cod bixinta doorashooyinka isku sidkan ee deegaanka iyo wakiilada.

Cod bixiyayaasha ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay cod kooda u dhiiban lahaayeen, iyadoo qaarkood ay xarumaha cod bixinta yimaadeen galinkii danbe ee xalay si ay codkooda  xili hore u dhiibtaan.

In kabadan 1 milyan oo qof ayaa isla maanta ka codayn doona 2709 goob doorasho guud ahaan Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa codkooda ka dhiibtay xarunta hay’ada shaqaalaha Somaliland ee Hargaysa, waxayna bulshada ugu baaqeen in ay si nabada ku codeeyaan, iyagoo sheegay in caalam ku indhaha ku hayo doorashooyinka Somaliland.

Qof kasta oo cod bixiye ah ayaa xaq u leh in uu u codeeyo laba musharax, oo u kala sharaxan golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ee Somaliland.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee Somaliland laga qabto, iyado markii hore doorasho kasta kaligeed la qaban jiray.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoonaa Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi qiimeeya Xubnaha Guddiga Farsamada Doorashada ee Lagu Murmay
Next articleBanaanbaxyo Xoogan oo Jowhar ka bilaawday ka dib dil ay gaysteen Ciidamada Dowladda