Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Banaanbaxyo Xoogan oo Jowhar ka bilaawday ka dib dil ay gaysteen Ciidamada...

Banaanbaxyo Xoogan oo Jowhar ka bilaawday ka dib dil ay gaysteen Ciidamada Dowladda

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in uu soconayo Banaabax xoogan islamarkaana Looga soo Horjeedo dil ka dhacay Jowhar oo Qof shacab ah Loo gaystay.

Banaanbaxa ayaa ka dhashay Dilka ka dhacay xaafada Buulo-makiino oo ka tirsan degmada Jowhar xili la sheegay in ciidamada Haramcad ay howlgalo ka wadeen xaafadaasi.

Ninka shacabka ah oo aay dileen ciidanka Haramcad ayaa la sheegay iney guriga ugu galeen dabadeedna ay amar siiyeen uu ka madax adeegay taasoo keentay iney rasaas ladhacaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ninka ay dileen ciidanka Haramcad uu ahaa nin madaxa looga jiray, waxaana dilkiisa kadib dadku aay bilaabeen banaanbaxyo rabashado wata oo aay kaga soo horjeedaan dilka loo geystay ninka shacabka ahaa.

Banaanbaxayaasha ayaa hakad geliyay isku socodka dadka iyo gaadiidka wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Jowhar, majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan dilka iyo banaanbaxa halkaasi ka socda.

Weriyaasha Jowhar ayaana La sheegayaa in Lagu amaray in aysan Tabi karin Dhacdada dilka ah iyo Banaanbaxa

Ad
Previous articleDoorashada Somaliland oo Maanta Loo dareeray (Sawiro)
Next articleMaxuu yahay Amarka Ra’isul Wasaare Rooble uu faray Wasaaradaha Dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here