Home Wararka Somaliya Puntland Dood ka socota baarlamaanka Puntland xilli rasaas laga maqlayo Garoowe

Dood ka socota baarlamaanka Puntland xilli rasaas laga maqlayo Garoowe

0

Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa u codeeyay inay ka doodaan wax-ka-bedelka iyo furista dastuurka xilli rasaas laga maqlayo magaalada Garoowe.

Arrinkan ayaa yimid kadib markii uu guddoomiyaha baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu la wadaagay golaha soo-jeedinta golaha wasiiradda Puntland oo ay horey ugu raacday maxkamada dastuurka, sida ay BBC u sheegeen xubno ka tirsan baarlamaanka.

Dooda kadib ayaa laga yaabaa inay baarlamaanku cod u qaadaan in dastuurka la furo iyo in kale.

Lama oga inay cadeyntu dhici karto isa maanta iyo in kale. Xiisad la xiriirta arrimahan ayaa hadda ka taagan magaalada Garoowe, halkaas oo laga maqlay dhawaaqyada hub iyo rasaas la isweydaarsanayo.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oonKa Qarxay Magaalada Garowe
Next articleBaarlamaanka Puntland oo meel mariyay wax ka badelka dastuurka xilli Garoowe uu dagaal ka socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here