Home Wararka Somaliya Puntland Baarlamaanka Puntland oo meel mariyay wax ka badelka dastuurka xilli Garoowe uu...

Baarlamaanka Puntland oo meel mariyay wax ka badelka dastuurka xilli Garoowe uu dagaal ka socdo

0

Baarlamaanka mamaulka Puntland oo maanta fadhi ka yeeshay wax ka badelka dastuurka Puntland ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen 34 mudane arrinta la soo gudbiyay oo ah wax ka badelka dastuurka.

Fadhiga waxaa soo xaadiray 35 mudane taas oo ka dhigan in hal xildhibaan uu ka aamusay.

Wax ka badelka dastuurka ayaa ahayd soo jeedin ka timid guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax-ka-bedelka dastuurka.

Tillaabadan ayaa imaaneysa xilli xiisad ay ka taagantahay magaalada Garoowe, taas oo ka dhalatay isla howshaan la xiriirta wax ka badelka dastuurka.

Ad
Previous articleDood ka socota baarlamaanka Puntland xilli rasaas laga maqlayo Garoowe
Next articleCiidamada Danab oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab hubna qabsaday (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here