Home Wararka Somaliya Galmudug Askarigii Dilay Marxuumadd Bilan Xaashi Gaab oo Galmudug Caan ka ahayd ...

Askarigii Dilay Marxuumadd Bilan Xaashi Gaab oo Galmudug Caan ka ahayd oo Dil Toogasha lagu Xukumay

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsanaa Ciidanka GorGor

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Qeybta Galmudug ayaa shalay galinkii danbe u fariisatay dhageysiga Dacwad loo heeysto eedeeysanayaal ka tirsanaa Ciidanka Gor gor ee xooga dalka soomaaliyeed kuwaas oo kala ahaa Dable xoogga iidle cumar idiris kana mid ahaa guutada 18 aad ee ururka 6aad ee ciidanka Gor Gor kaas oo xafiiska xeer ilaalintu kusoo eedeeyay inuu dil bareer ah u geystay Allaha u naxariistee Marxuumad Bilan Xaashi Salaad oo uu ku dilay Dagmada Xarardheere taariiqdu markeey aheyd 29/06/2023 iyo Dable Qaasim Ciise Maxamed oo ku eedeysnaa in uu ku caawiyay dilka Bilan Xaashi salaad oo u dhiibay Qoriga dilka lagu geystay

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdullaahi Abuukar xasan (Cabdullaahi Dheere). ayaana ugu horeeyn u akhriyay labada eedeeysane Dacwadda uu kasoo gudbiyay xafiiska xeer ilaalintu

Intaas kadib waxaa maxkamada la horkeenay Marqaatiyaashii goob jooga ahaa markii uu dhacayay falka dilka ah

Kormeere koowaad Xamdi Maxamuud Maxamed oo aheyd baarihii kiiska ayaa ka warbixisay baritaankii ay sameeyeen iyo natiijadii kasoo baxday.

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdullaahi Abuukar xasan ayaa soo xiray shalay fadhigii koowaad Maxkamada shalay

Dhinaca kale Maxkamada oo maanta u fariisatay fadhigii labaad ee eedeeysanayaasha ka tirsan Ciidanka Gor Gor ee XDS ayaa ku dhawaaqday Xukunka.

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug G/dhaxe Cabdullaahi Abuukar xasan (Cabdullaahi Dheere) ayaana ku dhawaaqay xukunka isagoona sheegay in eedeeysanaha koowaad oo ah Dable Xoogga
iidle cumar idiris Barrow ay Maxkamadu ku xuntay dil toogasha ah Halka eedeeysanaha labaad ee ah Qaasim Ciise Maxamed lagu Xukumay Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah ayna u furan tahay racfaan mudada sharcigu qabo

Ad
Previous articleMaamulka gobolka Banaadir oo markii u horeysay ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhul ku yaalla Muqdisho
Next articleDiyaarada lagu weeraray gudaha Ruushka oo faafahin hor leh laga helay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here