Home Wararka Maanta Diyaarad hawada ku jirtay oo hal Qof oo Rakaab ka mid ahaa...

Diyaarad hawada ku jirtay oo hal Qof oo Rakaab ka mid ahaa Sabab unoqday inay Dib u Laabato

0

Dayuurad ay leedahay shirkadda American Airlines oo u kala gooshaysay magaalooyinka Miami iyo London ayaa dib ugu laabatay garoonkii ay ka soo kacday, kadib markii haweeney ka mid aheyd rakaabkii saarnaa ay diiday iney xirato maskaraha la isaga difaaco cudurka Covid-19 oo rakaabka dhamaan ay wateen.

Dayuuradan ayaa waxaa la socday 129 rakaab ah, waxayna ku duuuleysay duulimaad tirsigiisu ahaa AAL38, iyadoo dayuuradda laga dejiyay oo booliska loo gacan geliyay haweeney da’deedu lagu qiyaasay 40 jir.

Sidoo kale, Haweeneydan ayaa waxaa lagu daray liiska dadka laga mamnuucay inay raacaan diyaaradaha shirkadda American Airlines, inkastoo shirkadu sheegtay in baaritaan ayaa lagu sameyn doono dhacdadan.

Diyaaradda ayaa dib u labatay kadib markii ay muddo saacad ah duulaysay, waxaana haweeneydan ay fadhiday qeybta dabaqada koowaad ee diyaaradda sida ay sheegeen qaar ka mid ah rakaabka.

Ad
Previous articleDoorasho lasii Ogyahay Cida kusoo abaxaysay oo Maantay ka Dhacaysa Garowe
Next articleDuqayn Gaystay Khasaaro 200 oo Dhimasho iyo Dhaawaca ah oo Ka dhacday Dalka Yemen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here