Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay lacagta Qaraanka ee Xubinimada UNKa ee Soomaaliya...

Dowlada Soomaaliya oo ka Hadashay lacagta Qaraanka ee Xubinimada UNKa ee Soomaaliya Lagu Leeyahay

0

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan shaacisay dalal ay Soomaaliya ku jirto oo lagu leeyahay lacagaha qaaraanka ah ee bixiyaan dowladaha xubnaha ka ah , waxaana Soomaaliya lagu leeyahay lacag ka badan hal milyan oo dollar.

Danjiraha u fadhiya Soomaaliya Qaramada Midoobay Abuukar Balle, ayaa xaqiijiyay jiritaanka lacagta qaaraanka ah ee lagu leeyahay, waxa uuna xusay in lacagtaasi aan la bixin intii u dhaxeesay 1989-kii ilaa 2017-kii .

Waxa uu sheegay Abuukar Baalle in Soomaaliya sanadahaas oo dhan u furneed in ay xubin kasii ahaato Qaramada Midoobay, iyada oo lagu tixgalinayay daruufaha adag ee ka jiray Soomaaliya .

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa cadeeyay in dowlada Soomaaliya ay bixineysay lacagta qaaraanka ah ee sanadkii kusoo aadeysay oo gaareysa 37,000 laga soo bilaabo sanadkii 2018-ka ilaa 2021.

Abuukar Baalle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay ay wadahadal kula jirtay guddiga u qaabilsan qaaraamaadka dowladaha bixiyaan sidii Soomaaliya u heli laheyd in muddo qabsato si lacagaha lagu leeyahay ku bixiso.

Qoraalka dhawaan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu cadeeyay dalal ay ku jirto Soomaaliya in ay halis ugu jiraan in laga hakiyo xubanimada Qaramada Midoobay maadaama aysan bixin lacagaha qaaraanka ee lagu leeyahay.

Ad
Previous articleAkhriso Magacyada dadka Ku fadhiya Kuraasta Hirshabelle ay shaacisay
Next articleXukuumada Soomaaliya oo Wada Qorshe ay Wadanka Ugu Cayrinayso Faranciko Madera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here