Home Wararka Somaliya Xukuumada Soomaaliya oo Wada Qorshe ay Wadanka Ugu Cayrinayso Faranciko Madera

Xukuumada Soomaaliya oo Wada Qorshe ay Wadanka Ugu Cayrinayso Faranciko Madera

0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wado qorshe dalka looga ceyrinayo Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira oo ah Madaxa Ciidamada Nabad ilaalita ee AMISOM.

Sida aan xogta ku helnay Francisco Madeira, ayaa la ogaaday in xiriir aad u dhaw la leeyahay madaxweynaha mudo xileedkiisi dhamaaday ee Farmaajo, uuna kahor yimid dalabyo ay xukuumadda Soomaaliya AMISON u dirtay.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa AMISOM ,ka dalbaday ciidamo cusub oo loogu tala galay in lagu xoojiyo amaanka Madaxtooyadda kadib isku daygii afgembi uu Farmaajo kula wareegi rabay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble.

Francisco Madeira, ayaa la sheegay in uu dhagaha ka fureestay dalabka Ra’usul Wasaare Rooble isaga oo raali gelinaya saaxiibkiisa siyaasadda Farmaajo , waxa ayna taasi ka careesiisay Ra’isul Wasaare Rooble oo hada qorsheenaya in sargaalkan dalka laga eryo.

Shirkii golaga Wadatashiga qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in ciidamo xoojin ah la geeyo xarunta Madaxtooyada gaar ahaan xafiiska Rooble.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadashay lacagta Qaraanka ee Xubinimada UNKa ee Soomaaliya Lagu Leeyahay
Next articleDeg Deg Qarax lala eegtay maxamed ibraahim Macalimuu oo Muqdisho ka dhacy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here