Home Wararka Somaliya Jubbaland Dilkii Taliyaha NISA ee Gedo Bakaal Kooke oo weji cusub yeeshay kadib...

Dilkii Taliyaha NISA ee Gedo Bakaal Kooke oo weji cusub yeeshay kadib War kasoo baxay Maamulka Jubaland

0

amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, ayaa ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilka taliyihii hay’adda nabad sugida gobolka Gedo, Bakaal Kooke.

Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka Gedo, ayaa dhawaan lagu dilay qarax lagula eegtay isagoo safar ku marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo ku macneysay mid loogu aargudayey maleeshiyo badan oo kooxda ka tirsanaa oo taliyaha iyo ciidankiisa ay dileen, sida ay hadalka u dhigtay.

Hase yeeshee, wasiirka amniga Jubaland Mr. Dhuumaal ayaa sheegay inuu kiiskan yahay mid mugdi badan ku hareeraysan yahay, lana tuhunsan yahay in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin.

Sareeye Gaas.Dhuumaal wuxuu sheegay ka hor taliyaha, inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeynayn danaha gobolka Gedo.

“Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland.

Wasiirka wuxuu ugu dambayn sheegay inuu soo dhoweynayo baarista hay’adda nabad sugida, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo.

Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa horey ciidanka Itoobiya ugu eedeeyey dilka Bakaal Kooke.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.

Karar Aadan Rukow oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay arrinkaan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen, “Rag 77-kii Itoobiya la dagaalami jiray oo dhagartooda yaqaana ayaan arrintaan u xil-saarnay waxaana ogaanay inay iyagu dileen Bakaal,” ayuu yiri Karar.

Wuxuu sheegay in ninkaan uu mudo dheer gobolkaas ka hor taagnaa Al-Shabaab, balse uu beegsaday cadow uusan iska jireyn, sidoo kale ninkaan ayaa cadeeyey in Taliska Sare ee NISA uusan wax lug ah ku laheyn dilkaan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Duqayn iyo Dagaal Toos ah looga Dilay ku Dhawaad 100 Askari iyo Dowlada oo ka Hadashay
Next articleMahad Salaad oo Taliye cusub u magacaabay ciidamada Nabad Sugida Gobolka Gedo kadib Dilkii Taliye Bakaal Kooke

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here