Home Wararka Maanta Dilalkii Madax Jabiska ahaa oo Muqdisho Kusoo Laabtay iyo Dhowr Qof oo...

Dilalkii Madax Jabiska ahaa oo Muqdisho Kusoo Laabtay iyo Dhowr Qof oo la dilay 48saac ee lasoo Dhaafay

0

Amaanka Magaalada Muqdisho oo Maalmahaan Soo Xumanaaya Waxaan Dib u bilowday Dilalkii Madax Jabiska ahaa ee Alshabaab ka Gaysan Jireen Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Dilal Dhowr ah ayaana Ka dhacay 48saac ee lasoo Dhaafay.

Faah faahino dheeraad ah ahaa laga helayaa weerar kooxo bistoolado ku hubeysan ay ka geysteen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarkan oo ka dhacay degmada Dharkiinleey ayaa lagu dhaawacay Annas Shaafici oo kamid ah Qareenada u shaqeeya dowladda Soomaaliya.

Qareenkaan ayaana Taagna Irida Masaajid uu imaam ka aha Xiliga la Toganaayay Waxaan La sheegay inu Gudaha Masaajidka ku cararay Markii Xabadii kowaad Madax uga Dhacday Taas oo sababtay Raga Dili lahaa inay Isaga Carareen.
Dhanka Kale Daqare  oo Ka tirsanaa Ciidamada Minishiibiyada ayaa Kooxa Bistoolado Ku Hubaysan Ku toogteen Degmada Kaaraan Maqribnimadii Shalay.
kooxihii Dilka Gaystay ayaana Goobta isaga Baxsaday.
Sidoo kale laba nin oo Mooto Fekon Wadatay ayaa Isgoyska Nasteexo Haweeneey Ku Sugnayd Gurigeeda horteed taas oo ku Fadhisay Kursi Ku Toogtay ayagoona isaga Baxsaday Goobta.
Haweeneydaan ayaana Ka Tirsan Haweenka Ka shaqeeya Degmada Wadajir kuwaas oo lagu Magacaabo malaamileey.
Ad
Previous articleMuxuu noqon Doonaaa Xukunka Sayid Cali oo Gubay Xaaskiisii Luul Cabdicasiis?
Next articleTaakeeye oo Markale Xabsiga La Dhigay Kadib Maalmo uu Bananka Joogay