Home Wararka Maanta Taakeeye oo Markale Xabsiga La Dhigay Kadib Maalmo uu Bananka Joogay

Taakeeye oo Markale Xabsiga La Dhigay Kadib Maalmo uu Bananka Joogay

0

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah waxaa isbuucii labaad xabsi kuyaal Muqdisho ku xiran ninka mayalka adag ee Sufiyaan Taakeeye, kaas oo sheegta in uu hogaamiyo xisbiga Talo-kunool.

Sufiyaan Taakeeye oo dhawaan xabsi laga soo daayey ayey xubnahan lasoo xiriiray Warbaahinta sheegeen in xarigiisan danbe loo aanaynayo wareysiyo dhowr ah oo uu bixiyey, kuwaas oo uu kaga hadlayey fikirkiisa ku aadan in Kitaabka Alle iyo Sunada Nebi Muxamed ( NNKH ) lagu hogaamiyo dalka iyo dadka.

Taakeeye ayaana Dhawaan lagu Xukumay Laba sano oo il Ku hayn ah Balse Markii lasoo Dayay Ayuu Shaaciyay inuudan Ka Tanaasulin Fikirkiisa.

Sidoo kale Wuxuu Sheegay in dowlada Xasan Shiikh ku Amartay Inusan Dowlada Wax ka sheegi karin labada Sano ee U hartay Waana Sababta Loo Badinaayo In Markale  Xabsiga La Dhigo.

Ad
Previous articleDilalkii Madax Jabiska ahaa oo Muqdisho Kusoo Laabtay iyo Dhowr Qof oo la dilay 48saac ee lasoo Dhaafay
Next articleNin in ka badan 25 sano la weysanaa oo la helay isagoo ku afduuban guri dariskiisa ah