Home Wararka Maanta Diiwaan Galinta Musharixiinta U Tartamaysa Gudoomiyaasha Labada Aqal oo Maantay Bilaabanaysa

Diiwaan Galinta Musharixiinta U Tartamaysa Gudoomiyaasha Labada Aqal oo Maantay Bilaabanaysa

0

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka gudoonada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay soconeyso ilaa 22-ka bishan sida guddiga doorashada gudoonka baarlamaanka ay sheegeen.

Gudaha baarlamaanka waxaa durba ka bilowday olole culus oo ay sameynayaan musharixiinta, waxaana durba ku dhawaaqay musharaxnimadooda dhowr qof oo u taagan xilalka gudoonka labada aqal ee baarlamaanka, iyadoo dadka sharaxan ay Dumar ka tahay wasiirka gargaarka Khadiija Maxamed Diiriye oo u tartameysa gudoomiye xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Marka ay diiwaan gelinta dhamaato, 24-ka April ayaa la qorsheeyey in la qabto hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka, 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April, halka mida aqalka sare ay maalin kahoreyso oo ay dhaceyso 26-ka bisha.

 

 

Shuruudaha Musharixiinta laga rabo oo dhameystiran, ayaa waxay kala yihiin;

Aqoonsiga Xildhibaanka (ID Card)

Arjiga caddeynta Musharaxnimo

 

Taariikh nololeedka Musharaxa (CV)

Labo Sawir

Warqadda cadeynta lacag qabashada Bangiga Dhexe

Balan-qaadka u hogaansamridda natiijada doorashada

Foomka diiwaan-gelinta Musharaxa

Foomka soo-joodinta Musharaxnimada

 

Ad
Previous articleFarmaajo oo Si kulul Uga Hadlay Dilkii loo Gaystay Abwaan badal
Next articlekhadiija Diiriye oo iskusoo Sharaxday Booskii Fahad Yaasiin U tartami lahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here