Home Wararka Maanta Digniin laga soo saaray qaraxyo ka dhici kara Muqdisho iyo goobaha laga...

Digniin laga soo saaray qaraxyo ka dhici kara Muqdisho iyo goobaha laga cabsi qabo

0

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Muqdisho ayaa loo diray digniin ku saabsan qaraxyo ay suura gal tahay iney ka dhacaan magaalada saacadaha soo socda

Xafiiska Nabadgalyada UN-ka ee Muqdisho ayaa sheegay in ilo sirdoon oo muhiim ah ay u sheegeen in Al-shabab ay qorsheyneyso iney qaraxyo waaweyn ka fuliso magaalada Muqdisho 48-72 saacadood ee socda.

 

Goobaha laga yaabo in qaraxyada lala beegsado ayaa la sheegay iney ka mid yihiin:-

 

1▪︎The Elite Hotel

2▪︎Km4 Checkpoints

3▪︎SYL Hotel

4▪︎Dorbin Hotel

5▪︎Dabka Area

6▪︎Jazeera Hotel

7▪︎Liido Beach

8▪︎Makka Al-Makaramah Road

9▪︎Villa Somalia Checkpoints

10▪︎Nisa Checkpoints.

 

Shaqaalaha Q/Midoobay ayaa looga digay iney ka taxadaraan dhaqdhaqaaqooda ayna la socdaan xaaladaha ku soo kordha magaalada ee dhinaca amniga.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan NISA ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay qorsheynayaan weeraro lagu hoobto iney ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay kaga aargudnayaan guuldarooyinka ka soo gaaray dagaalada kaga furan gobolada dhexe ee dalka.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Putin oo saxiixay go’aan dab ku sii shidaya dagaalka uu kula jiro Ukraine
Next articleXasan Sheekh Iyo Abiye Axmed Oo Kala Saxiixday Heshiis 10 Qodob Ka Kooban Oo Xasaasi Ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here