Home Wararka Maanta Dibed baxayaal careysan oo dab qabadsiiyey hoyga aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee...

Dibed baxayaal careysan oo dab qabadsiiyey hoyga aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Aayatullah Ruhollah Khumeyni.(Sawirro)

0

Dibad baxayaal careysan ayaa dab qabadsiiyay guriga ninka uu awoowaha u yahay aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Aayatullah Ruhollah Khumeyni.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada, ayaa muujinaya qeyb ka mid ah dhismaha Khumeyni oo dab la qabadsiiyay.

Wakaaladaha wararka, ayaa xaqiijiyay dhab ahaanshaha muuqaalada, balse maamulka gobolka, ayaa beeniyay inuu jiro weerarkaas.

Ayatullah Khumeyni, ayaa la sheegay inuu ku dhashay guriga la sheegay in dab la qabad siiyey, oo haatan ah madxaf lagu xuso noloshiisa.

Khumeyni ayaa waxa uu ahaa hoggaamiyihii kacdoonka Islaamiga ah ee Iran ka dhacay sanadkii 1979-kii.

Kacdoonka, ayaa waxaa xukunka lagaga tuuray hoggaamiyihii reer galbeedka ay taageersanaayeen, Shah Mohammad Reza Pahlavi, isagoo dhisay Khumeyni dawlad Islaami ah oo jirta Illaa iyo maanta.

Waxa uu ahaa hoggaamiyihii ugu sareeyay ee Iran illaa uu ka geeriyooday sanadkii 1989-kii, taasoo illaa iyo haatan ku asteysan maalin baroor diiq ah sanad walba

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay Xariga Ka Jaraaya Madaxtooyada Cusub ee Galmudug oo si Cajiob ah loo Dhisay(Sawiro)
Next articleSenator ka Tirsan Hirshabeele oo ku Dhawaaqay inuu Ka Baxaayo Beeshiisa Hadii Ay Dagaal Galaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here