Home Wararka Maanta Dibadbaxyo Culus oo ka dhacay kenya iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay

Dibadbaxyo Culus oo ka dhacay kenya iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay

0
Dalka Kenya waxaa shalay ka dhacay dibad-baxyo rabshado watay oo ay dhigayeen taageerayaasha mucaaradka Kenya, waxaana looga soo horjeeday sicir bararka iyo canshuur kordhinta ay sameesay dowladda madaxweyne Ruto.

Ina la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay dibad-baxyadii shalay ka dhacay magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo katirsan Kenya, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga dhigay boqolaal katirsan dadkii shalay dhigayay dibad-baxyada rabshadaha watay, waxaana dadkaasi la filayaa in lasoo taago maxkamad laguna eedeeyo bur burin iyo dhac.

Ra’isul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ku baaqay dibad-baxyo soconaya saddex maalin oo xiriir ah oo soo bilowday shalay, waxaana maanta meelaha qaar lasoo sheegayaa in ay ka socdaan dibad-baxyada.

Goobaha ganacsiga iyo waxbarashada qeybo badan oo kamid ah daka Kenya ayaa maalintii labaad xiran, waxaana laga cabsi qabaa khasaaraha ka dhalanaya dibad-baxyada rabshadaha wata ee ka socda Kenya in ay sii kordhaan.

Ad
Previous articleAlshabaab badan oo lagu Dilay koonfurgalbeed Xili Baydhabo la go,doomiyay
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Degaanka Ceelasha Biyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here