Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Alshabaab badan oo lagu Dilay koonfurgalbeed Xili Baydhabo la go,doomiyay

Alshabaab badan oo lagu Dilay koonfurgalbeed Xili Baydhabo la go,doomiyay

0

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen deegaanka Ceel-bashiir oo kuyaalla inta u dhaxeysa deegaanka Jameeco iyo degmada Buur-hakaba ku dilay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda weerareen goob koontarool u aheyd Al Shabaab, waxa ayna dowladda sheegtay in halkaasi lagu dilay toban dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay goobta ay howlgalka ka fuliyeen ciidanka dowladda in Al Shabaab u aheyd isbaaro, waxa ay sidoo kale sheegeen in bartan u adeegsanayeen go’doominta magaalada Baydhabo.

Al Shabaab ayaa sannado kaddib go’doomisay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, waxa ayna Al Shabaab diideen in magaaladaasi la geeyo raashinka quutul daruuriga , sidaalka iyo waxyaabaha kale ee bulshada muhiimka u ah.

Ad
Previous articleSaraakiil Sarsare oo Ka Tirsan Dowlada oo saakay Maxkamad la Horgaynaayo
Next articleDibadbaxyo Culus oo ka dhacay kenya iyo Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here