Home Wararka Maanta Dhulgariir ka dhacay Jamhuuriyadda Jabuuti

Dhulgariir ka dhacay Jamhuuriyadda Jabuuti

0

Wararka ka imaanaya Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in aroornimadii hore ee saaka ay dadka dalkaasi ku dhaqan dareemeen dhulgariir.

Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.9 magnitude ayaa la sheegay in si weyn looga dareemay dalkaasi, oo ay ku jirto Caasimadda Djibouti.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dhulgariirkan laga dareemay dalalka Yemen, Eritrea, Itoobiya iyo qayb ka mid ah Waqooyiga Somaliya.

Dhulgariirka ayaa la sheegay in xuduntiisu tahay goob ku dhow Gacanka Tajuura (Tadjoura). Tajuura waa mid ka mid ah magaalooyinka dhaca dalkaasi Jabuuti.

Jaamac Faarax Xasan oo ah La taliyaha Duqa Magaalada Djibouti ayaa sheegay in dadku ay dhulgariirkaasi dareemeen, saacadda markay ahayd 4:22am.

“Saaka abaare 4:22 waxaa Caasimadda Djibouti iyo guud ahaan dalka laga dareemay dhulgariir aad u xoogan, kaas oo Jabuuti muddo badan ka hor ay ugu dambeysay, waxaana lagu qiyaasay 4.9, wuxuuna ka yimid Gacanka Tajuura meel u jirta 19km, caasimaddana 80km uga beegan dhinaca waqooyi.” Ayuu yiri Jaamac Faarax.

Jaamac Faarax ayaa yiri “Dhulgariirkan ka soo unkamay Gacanka Tajuura aad iyo aad ayaa looga dareemay dalka oo dhan, bulshadii oo dhan yaab iyo anfariir baa u yimid, Ilaahay masiibaa ha ina garab mariyo.”

Ma jirto wax khasaare ah oo dhulgariirkaasi uu gaystay, illaa iyo hadda inta laga warqabo, sida ay masuuliyiintu xaqiijiyeen.

Khasaaraha uu gaysan karo dhulgariirka ayaa aad u xididan, marba haddii uu cabirkiisu ka hooseeyo 5 magnitude.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Alshabaab oo Qaraxyo ismiidaamin ah ku Qaaday Dhusamareeb
Next articleNabadoon Xaad oo Shaaciyay Xiliga La Qabanaayo Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here