Home Wararka Somaliya Galmudug Nabadoon Xaad oo Shaaciyay Xiliga La Qabanaayo Ceelbuur

Nabadoon Xaad oo Shaaciyay Xiliga La Qabanaayo Ceelbuur

0

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaciyey inuu socdo abaabul dagaal oo culus oo lagu xoreynayo Ceelbuur iyo deegaanada kale ee beeshiisa.

Nabadoon Xaad oo shir jaraa’id qabtay ayaa dhamaan Soomaalida ka dalbaday in Madaxweynaha ay ku garab istaagaan dagaalka uu hoggaaminayo ee furinta uu u joogo.

“Dagaalka Khawaarijta waa inaan dhammaanteen daacad ka noqono oo dowladda lagu gacan siiyo” Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Xaad oo ku hadlay afka beelweynta Hawiye ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen dagaalka, “Si buuxda ayaan ugu istaagnay dagaalkaan wax kasta ayaana ku bixi doonaa,” ayuu yiri.

Xaad ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu bilaaba doono dagaal saf balaaran ah oo shacabka iyo ciidamada dowladda ay is garab soca doonaan, si loo gaaro deegaanada ku jira gacanta Khawaarijta Al-Shabaab.

Wuxuu ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka Al-Shabaab, “Dowladnimada Soomaaliyeed ayaa salka loogu dhigayaa dagaalkaan, haka raadinina dan gaar ah, daacad halaga wada noqdo dagaalkaan, sidaas ayaan ku baaqeynaa anagoo odayaasha Hawiye ah,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoonka ayaa sheegay in dagaalkaan uu yeeshay natiijo wanaagsan oo deg deg ah, isagoo tusaale u soo qaatay sida ay u joogsadeen qaraxyadii sida joogtada ah uga dhici jiray caasimadda Muqdisho.

Nabadoon Xaad ayaa ka mid ah odayaasha gobolka Galgaduud ka abaabulaya doolaanka lagu xoreynayo deegaanada ay Galgaduud ka degaan beelaha Murusade iyo Duduble oo dhamaantood gacanta ugu jira kooxda Al-Shabaab.

Ad
Previous articleDhulgariir ka dhacay Jamhuuriyadda Jabuuti
Next articleAlshabaabkii laga Saaray Galmudug oo Isugu Tagay Gobalka GEDO iyo Cabsi Xoogan oo Halkaas ka Taagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here