Home Wararka Caalamka Dhambaalka hambalyo ah oo uu Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi u diray...

Dhambaalka hambalyo ah oo uu Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi u diray madaxweynaha Ruushka ee Putin

0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweyne Vladimir Putin oo ku aaddan maalinta guusha Ruushka, isagoo ku muujiyay sida dalkiisu u garab taagan yahay Moscow, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA.

Waraaqdan oo uu diray 9-kii Maajo, Kim ayaa lagu yiri “wuxuu ku kordhiyey wadajirka adag ee qadiyadda dadka Ruushka si xididdada loogu siibo khataraha siyaasadeed iyo kuwa milatariga iyo mad-madowga ku jira xoogagga cadawga ah”.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale “muujiyay in la aaminsan yahay in xiriirka istiraatijiyadeed iyo kan soo jireenka ah ee saaxiibtinimo ee labada dal uu si joogto ah u horumari doono”.

Waqooyiga Kuuriya ayaa dhawaan soo bandhigtay xiriirka dhow ee ay la leedahay Ruushka, waxayna si cad u taageertay Moscow duulaanka ay ku qaaday Ukraine.

Bishii Febraayo, waxay ku eedaysay khilaafka Ukraine “siyaasadda Maraykanka iyo Galbeedka.”

Ad
Previous articleBarakac Xoogan oo Ka Socda Guriceel iyo Ciidamo Lagu Daad Guraynaayo Magaaladaas
Next articleShiikh aadan Madoobe oo indhaindhayn ku sameeyey Goobta Lagu Dooranaayo Madaxweynaha Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here