Waxaa muddo dhan 48 Saacadood degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku xiran Wariye Cubeyd Xasan Maxamuud oo kamid ah Wariyeyaasha degmadaas ka howlgalla, kaas oo ay xireen Ciidamada Nabdsugida ee Galmuduh
Wariyaha ayaa laamaha Amniga ee degmada Guriceel aysan weli faah fahin ka bixin sababta ay u xireen, iyada oo aan wax Maxkamad la soo taagin uu ku xiran degmadaasi Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Hayeehsee Wariye Ibraahim Xaashi Cosoble Jeekeey oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgalla degaannada Galmudug ayaa sheegay in wariyaha lagu xiray Xero Ciidan, islamarkaana sababaha loo xiray ay ku maqleen inay tahay War uu tebiyay ee ah in Odayaal ay shir uga baxeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wariye Ibraahim Jeekeey
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada