Home Wararka Somaliya Musharaxiinta oo Ra’isul Wasaaraha Somaliya u gudbiyay Codsi cajiib ah

Musharaxiinta oo Ra’isul Wasaaraha Somaliya u gudbiyay Codsi cajiib ah

0

Golaha midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay guddiga uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baarista kiiska askarta Eritrea basle ka dalbaday inuu wax ka bedelo guddigan.

War-saxaafadeed ku taariikheysan 13-ka June, 2021 ayaa sheegay in guddiga ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo saraakiil ka tirsan xukuumad eedeeysan.

“Golaha wuxuu ugu baaqayaa Mudane Rooble in si ummadda Soomaaliyeed ay ugu kalsonaadaan gudigaan uu dib u soo magacaabo xubno dhexdhexaad ah oo aan dowladda ka tirsaneeyn sida ururada bulshada rayidka iyo madaxda axsaabta Soomaaliyeed qaarkood oo aan marnaba shaki ka imaan karin madaxbanaanidooda iyo go’aanka ay ka soo saaraan hawl qarameedka loo igmaday,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Halkan ka akhriso qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta

Ad
Previous articleDhageyso Weriye Maalintii 2-aad ku xiran Galmudug iyo sababta loo xiray
Next articleMadaxweyne Ku xigeenka galmudug oo Dhuusamreeb Kula Kulmay Wafdi ka socda Qaramada Midoobey (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here