Dhageyso Madaxweynihii Hore ee Hirshabelle oo Weerar Afka ah ku qaaday Xasan Cali Khayre

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre uu Maalaayin Dollar ka hor istaagay Maamulka Hirshabeelle.

Maxamed Waare oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Hanoolaato ayaa waxaa uu ku sheegay in markii la doortay isaga ay dowladda Federaalka kala dagaalantay dhinaca dhaqaalaha, uuna qaadi waayay wax kasta oo tallaabo dhaqaale lagu heli karo.

Waare ayaa waxaa uu  Xasan Cali Kheyre ku eedeeyay inuu sigaar ah ugala dagaalamay, uuna hor istaagay  Mashaariic ku baxeysay lacag dhan ah 250 Milyan oo dollar, maadaama xiligaas Wasaaradaha ay hoostagayeen.

Waxaa uu sheegay Waare in qaar kamid ah lacagta loo soo dhameeyay Maamulka ee la doonayay in Mashaariicda lagu fuliyo uu Kheyre ka dalbaday inuu ku wareejiyo Ganacsto, si shacabka loo tuso in maamulka aan la aami karin, lana fashiliyo.

“Waxaan nagala dagaalamay mashaariicda 250 Milyan oo Dollar, waxaana sigaar ah noola dagaalamay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, maxaa yeelay Mashaariicda waxaa ay hoos yimaadaan Wasaaradihiisa, Mashruuca Jidka Jowhar shaqaalihii oo ka rajo xumaaday ayaa igu yiri inta aad xilka heysto Jidkaan la dhisi maayo” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare.

Mashaariicda la doonayay in la fuliyo Hirshabeelle ee uu Kheyre ka hor istaagay ayaa waxaa kamid ah dhismaha wadada Jowhar iyo Balcad, Msharuucii Talyaaniga ee fatahaada Baladweyne, Mashuurcii lagu dhisi lahaa Isbitaalada Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar iyo kuwii Dekadda Ceel-macaan iyo Cadale.

Maxamed Waare ayaa ugu dambeyn caddeeyay in Farmaajo iyo Kheyre uu tegay isaga 5 jeer oo uu ka dalbaday in intii shacabka Hirshabeelle dhibaatada loo geystay mid ka badan ay la kulmi lahaayeen uu go’aan ku gaaray inuu xilka iska Casilo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*